Soomaali Somali

Aqalka gabdhaha iyo doorka walaasha weyn

Aqalka gabdhaha iyo doorka walaasha weyn ee Ahjola Setlementti waa shaqooyin lagu dhiiri galinayo qaab-galmeedka (sukupuolisensitiivinen) ilmaha iyo dhalinyaradda.

Waxqabadka Aqalka Gabdhaha waxa loogu talo galay dhamaan gabdhaha carruurta iyo dhailnyaradda ah iyo kuwa dareensan in ay leeyihiin qaab-galmeedyo badan (moninainen sukupuoli) ee da’dooddu u dhaxayso 6–16 jir ee Tampere ku nool ama iskuuladda Tampere dhigta. Aqalka Gabdhuhu waa goob waxqabad oo lagu wada kulmo oo ku taala Pispa. Aqalka Gabdhuhu wuxuu furan yahay talaadooyinka iyo khamiisaha saacadaha 15–19.

Aqalka Gabdhaha:

– waxaad ku baran kartaa ilmo ama dhalinyar kale oo waxaad heli kartaa saaxiibo cusub

– waxaad  ku cayaari kartaa cayaaro kala duwan, sida cayaarta (konsolipeli)

– waxaad samayn kartaa waxqabadyo kala duwan, sida farsamadda iyo howlaha gacanta iyo farshaxano

– wax baad jili kartaa, waad heesi kartaa, dhaansi kartaa, biaano garaaci kartaa ama waad cayaari kartaa

– waxaad la sheekaysan kartaa oo fikirkaaga la wadaagi kartaa shaqaalaha goobta ka shaqeeya
Inkastoo waxqabadka Aqalka Gabdhuhu cid walba u furan yahay, hadana waxa jira kooxo, safaro, dhacdooyin iyo waxqabadyadda fasaxyadda.

Ilmaha iyo dhalinyarta 6–16 jir u dhaxaysaa waxay saaxiib ka heli karaan Waxqabadka Walaasha weyn oo waxay heli karaan gabadh saaxiib ah oo farxadda iyo nololmaalmeedka la qaybsata muddo sannad ah. Dhamaan gabdhaha iskaa wax u qabsiga uga shaqeeya Waxqabadyadda Walaasha weyn, waxay soo mareen kooras, loogu tobobaray hawlahan.

Haddii aad rabto in aad waxqabdan ka qayb qaadato, buuxi warqadan dalabka ah. Ku buuxi af-fiinish ama af-ingiriisi. Waxaan sidoo kale dalabka kula buuxin karnaa, markaad soo booqato Aqalka Gabdhaha.

Shaqada Wiilasha ee Ahjola waxaad ka akhrisan kartaa boggan internetka www.poikatyo.fi.

Ku soo dhawoow waxqabadka!

 

 

Adareeska:

Pispalan valtatie 45, 33250 Tampere


Taleefanka:

+358 44 553 8436 (Hagaha guud)

+358 44 553 8435 (Hagaha shaqada gabdhaha)


Instagram:

@tampereentyttojentupa

YouTube:

Tyttöjen ja Poikien Tupa